18/07/2026
Hormuudka Bilicda, Nadaafadda iyo Ilaalinta Deegaanka Jubaland.
Muddo ka badan 15 sano, Shirkadda Waamo waxay safka h**e kaga jirtay dadaallada lagu horumarinayo nadaafadda, bilicda magaalooyinka iyo ilaalinta deegaanka ee Jubaland.
Intii ay jirtay, shirkaddu waxay noqotay astaan lagu yaqaan adeeg hufan, karti iyo u heellanidda bulshada, iyadoo door muuqda ka qaadatay horumarka deegaanka iyo caafimaadka shacabka.
Shiekada Waamo waxay ku guuleysatay inay wax weyn ka beddesho muuqaalka magaalooyinka ay ka shaqeyso, gaar ahaan caasimadda Jubaland iyo deegaannada kale ee adeeggeedu gaaro.
Waddooyin nadiif ah, goobo dadweyne oo bilicsan iyo deegaan caafimaad qaba ayaa maanta ka mid ah guulaha la taaban karo ee shirkaddu horseedday.
Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Waamo waa yareynta halista caafimaad ee ka dhalan jirtay qashinka. Ka hor intii aan la xoojin adeegyada nadaafadda, qashinka oo meel walba ku daadsanaa wuxuu sababi jiray faafitaanka cudurro kala duwan, wasakhowga deegaanka iyo dhibaatooyin saameyn ku yeesha nolol maalmeedka bulshada.
Maanta, dadaalka joogtada ah ee shirkaddu wuxuu gacan ka geystay in si weyn loo yareeyo khatarahaas, taasoo sare u qaaday caafimaadka iyo badqabka bulshada.
Sidoo kale, shirkaddu waxay hormuud ka noqotay ololayaasha ilaalinta deegaanka, iyadoo dadaal badan ku bixisay dhimista iyo ka saarista bacaha iyo waxyaabaha kale ee waxyeellada u leh deegaanka.
Tani waxay ka qayb qaadatay ilaalinta dhulka, biyaha iyo deegaanka dabiiciga ah, iyadoo kor u qaaday wacyiga bulshada ee ku saabsan muhiimadda nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka.
Saameynta Waamo kuma koobna oo keliya nadaafadda iyo bilicda.
Shirkaddu waxay sidoo kale abuurtay fursado shaqo oo ay ka faa'iideysteen boqollaal qof oo reer Jubaland ah, taasoo ka qayb qaadatay yareynta shaqo la'aanta iyo kor u qaadidda dhaqaalaha qoysas badan.
Shaqaalaha shirkaddu waxay noqdeen laf-dhabarta adeegyada nadaafadda, iyagoo maalin kasta u taagan ilaalinta bilicda iyo caafimaadka bulshada.
Waxa kale oo mudan in la xuso in Waamo ay mudnaanta koowaad siisay adeegga bulshada. Ujeeddada shirkaddu mar walba waxay ahayd horumarinta nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo adeeggeeda u fulinaysa si waafaqsan mas'uuliyad bulsho iyo aragti fog oo ku dhisan danaha shacabka iyo horumarka Jubaland.
Guulaha ay Waamo gaartay waxay ka tarjumayaan in horumar waara lagu gaari karo isku-darka hoggaan wanaagsan, qorsheyn, shaqo joogto ah iyo iskaashi bulshada lala yeesho.
Waxay tusaale u tahay sida hay'ad u heellan adeegga bulshada ay u beddeli karto muuqaalka magaalooyinka, u ilaalin karto deegaanka, una horumarin karto tayada nolosha dadka.
Maanta, kadib in ka badan shan iyo toban sano oo adeeg joogto ah, Shirkadda Waamo waxay sii waddaa himiladeeda ah dhisidda Jubaland nadiif ah, bilicsan, caafimaad qabta iyo deegaan waara, iyadoo raad muuqda ku reebtay horumarka gobolka iyo nolosha bulshada ay u adeegto.