Fooniye tv

Fooniye tv wax walba wanu soo gelinaa

19/02/2026

Abtirsiinyo guudnimo haddii, la isu geed xaadho
Gobta Reer Isaaq baan ahay, iyo gaanka xoogga lehe
Hadday qoloba gooni u baxdoon, gaar u kala qaado

Muusaha gadhkaa bari degee, g**o fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela leh, ee gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee, lagu gartaan sheegtay

Guurtida Sanbuur iyo Cimraan, lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee, gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag, wax u galaan sheegtay.

Geyigaa la kala leeyahee, guri san baan sheegtay
Kaymaha Gulaanka leh, Saraar gumucyadaan sheegtay
Gooddiga Darmaa leh, iyo Nugaal, Galaxyadaan sheegtay

Geeddiga hayaanka ah Xadkoo, laga gudbaan sheegtay
Ganuunaha biyaha ceelashoo, godob la' baan sheegatay
Idaha guuna Geel iyo Lo' iyo, Gini casban sheegtay

Senge gaadda weyn iyo Darmaan, garabsataan sheegtay
Daaraha Garoommada bannaan, lagu gudbaan sheegtay
Mishigaanka guuxa iyo Madfaca, lagu gubtaan sheegtay.

Kumanyaal Garaad iyo Cuqaal, gar u baxaan sheegtay
Kumanyaal gadhle ah oo, dagaalka is gurtaan sheegtay
Gas-ku-jire gurbood soo socdoo, gaban yaraan sheegtay

Ooryaha la gaato, iyo hablaha, gololadaan sheegtay
Aqallada la goodey iyo Aroos, laga gabyaan sheegtay
Ninna kuma godboobine haddii, Giinka lagu doodo
Ninki aniga igu gaarayow gobo'di baan sheegtay.

Eebe haw raxmado Abwaan Jaamac Gacma Dheere

15/05/2025

Taliye Axmed gadh yogol
Ma bilaa tolbaa isagu
Reerkiisu maxay umudaharaadi waayeen

Tolaay reer hargaysow

08/05/2025

Af may may

Address

Ainabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fooniye tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fooniye tv:

Share

Category