Mohamed noor ali

Mohamed noor ali Asc asxbta wn idin salamay waa mohamed noor oo idin leh salan kal iyo lab ah mel walbi aad joogta like comment share waa dhankiina Asc

03/11/2022

Dardaarankii Ugu Cajiibsanaa ee uu qoro qof marxuum ah 😥😥

" Waxeey tiri Si fiican U dhuux Waxa Aan qorayo
Geerideeyda K**a Wal Wal qabo
Muhiimad Weeyn iima laha , Sida jirkeyga U baaliyoobi doono.

Muslimiinta Sida Caadiga ah Marka Qof dhinto Loo Sameeyn jiray Ayeey igu sameeyn doonaan dharka ayeey iga bixin doonaan , Weey idhaqi doonaan Markay i Karfaniyan Ka dib gurigeyga iga soo Saari doonaan Waxeey Ii Kaxeeyn doonaan Gurigeyga Cusub Ee Qabriga

Dad badan ayaa tacsiyadeyda imaan doona Bal qaarkood Balamihii iyo Shaqooyiinka ay lahaayeen ayeey aniga darteey U soo deyn doonaan Si ay Meydkeyga U soo raacaan Ka dib Duugteyda uga qeeyb qaataan.

Dadkaas Sidaa U tirada badan Maalin intaan Noolaa Hal mar Ma aysan isiin Nasteexo Wax Ka tari doonto Geerideyda bacdigeed Kheyr ima aysan fari jirin Alla ima aysan Xasuusin.

Wax yaabaha intaan Sariirta Meydka Saaranahay Laga Takhalusi doona Waxa Ka mid ah......
1. Qolkeyga
2.
3.
4.
5. Qaaliga ahaa
6.
Dhamaan intaan Qabriga tagin ayaa lakala qeybsaday.

Xitaa Haddii ay ii Sadaqeyn lahaayeen Wax beey ii tari lahaayeen Oo ayaan Ku kaban lahaa
Aan intaas Soo tacbaayay Waxaa lagu Kala dhaxlay maalmo gudahood Ha badnaadan ama ha yaraadan Xisaabtoodana Aniga ayeey I sugeysaa 😥

Markan dhintay Waxaa Ugu horeeyo Ee iga dhacaaya Dadkuna Dhaqso U badali doonaan Waa
Qolka Anigo Ku jiro Ayeey dadka Oran doonaan Away ? Waan Maqlayaa Laakiin Ma Oran Karo Waa ikan Bal Magaceygii Saacad Ka hor leygu Wici jiray meey igu Wacaan 😥.

Markeey Rabaan in ay Igu dukadaan Waxeey i Oranayaan Aaway .?Bal Meey magaceyga iigu yeeraan.
Markey Luxdiga i dhigayaan Waxeey igu Oranayaan Meydka Ka feyda.
Meydka Bal Meey Magaceyga iigu yeeraan .

Sidaa darteed Ma aheeyn ineey isiraan Ama Aan ku sirmo iyo Aan Ku faani jiray Maant

02/05/2022

Eid Mubarak

02/03/2022

Asc wll

08/01/2022

Asc qaraabo subax wngsan

19/12/2021

M.A

08/12/2021

SANJABIISHU MAXAY DAAWO U TAHAY?

Sanjabiilku wuxuu ugu horreeyaa geedo daaweedyada, waxaana lagu isticmaalaa wadamo aad u badan, waxaana warbixin caafimaadkeed laga dhaxlay hindida iyo shiineeska oo weligood u adeegsan jiray in ay ku daaweeyaan xanuunno aan la soo koobi karin.

Laakiin cilmiga cusub, cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaadey Faaiiidooyinkeeda.

● Waxaa la ogaaday in sanjabiilka uu alle ku abuuray 115 walxo oo faa'ido u leh caafimaadka laakiin waxaa ugu muhiimsan wax loo yaqaano "Gingerol"

oo ka faa'ido badan daawooyin kiimiko ah oo hadda jira loona adeegsado xanuuno kala duwan in lagu daaweeyo.

Maadada Gingerol waaa maado sun-saare iyo caabuqdile xoog leh, waana xanuun baab'iye isku jiro!!!.

● Cudurka ugu horreeyo oo sanjabiilka daawo u yahay ama ka hortag loogu adeegsado waa wadna xanuunka iyo wadna howlgabka,

wuxuu sanjabiilka, tuunta iyo basashaba siyaadiyaan qulqulka dhiiga,

waxayna la mid tahay daawada "Asprin-ka" ee la siiyo dadka wadnaha ka xanuunsan,

waxay kaloo awood siiyaa murqaha wadnaha maadaama uu daciifay, waxayna u shaqeysaa sida daawo loo yaqaano "Digoxin" oo wadnaha murqahiisa ka shaqaysiiso,

Waxay kaloo waasicisaa howlbowlayaasha dhiiga qaado, waxayna qabataa daawooyinks wadnaha ee howshaas loo qaato oo loo yaqaano "Vasodilators", sidaas awgeed sanjabiilku wuxuu kulansaday faa'idada daawooyinkii loo wada qaadan jiray howlgabka wadnaha.

● Sanjabiilku wuxuu kaloo alle ku abuuray awood lalabo dajin iyo matag ka hortag, waana sababta loogula taliyo in haweenka ay adeegsadaan ku kotaroolidda wallaca,

maadaama daawooyinka badanaa lalabada iyo mataga loo qaato uurka ay saamayn ku yeelan karaan uurjiifka,

waxaa hooayda lagula taliyaa in ay isticmaasho sanjabiilka, waxaa jiro kaniiniyaal laga sameeyay sanjabiilka oo laga helo wadamada qaar, laakiin waxaad badalkooda isticmaali kartaa in sanjabiilka nooca qoyan aad biyo la dhigto, kadibna biyahaas aad cabto markii lalabo ku qabataba,
sanjabiilka ha ruugin wuxuu kugu kicin karaa gaaska.

● Waxaa kaloo sanjabiilka loo adeegsadaa calool xanuunka, calool majiirka iyo dheefshiid xumada, iyadoo loo cabo sidii cabitaan oo kale, wuxuuna ka hortagaa laguna daweeyaa calool fadhiga,

Dadka ka sheegto dheefshiid xumada, waxaa lagula taliyaa in ay toonta iyo sanjabiilka badsadaan,

● Sanjabiilku wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka isagoo firfircooni galiyo unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato khaas ahaan kuwa "lymphocytes-ka" loo yaqaano oo howshuudu ka mid tahay la dagaallanka feyrasyada, sidaas darteed hergabka iyo wixii la mid ah, sanjabiilku aad buu wax uga taraa.

● Cilmibaaris lagu sameeyay awoodda antibiotic ahaan ee sanjabiilka waxaa lagu ogaaday inuu ka awood badan yahay daawooyinka ay ka mid yihiin: Ampicillin, Tetracycline iyo Chloramphenicol-ka, waxay dhakhaatiirtu dhahaan, haddii aad qalliin galaysid ama markaa qalliinka ka soo baxdid oo aad ka cabsi qabtid in aad infekshan ka qaadid meesha lagaa qalay, marso saliidda sanjabiilka, waxay ka awood badan tahay qallajiyayaasha la liqo, tani waxaa la mid ah oo badalkeeda isticmaali kartaa saliida dhaga-yaraha,

● Sanjabiilku wuxuu leeyahay awood uu kaga takhallusi karo jeermiska fangaska loo yaqaano oo badanaa keeno caabuqyada maqaarka, waxuu sanjabiilka koobka u qaaday 29 daawo oo la barbardhigay awooda jeermis dilidda fangaska.

● Sanjabiilka qoyan wuxuu bogsiiyaa nabraha caloosha ku samaysma oo gaaska uu keeno, waxaana baaritaan lagu ogaaday arrintaan sanadkii 1980-kii, waliba waxaa waagaas lagu taliyay in lagu badalo daawo loo qaadan jiray laabjeexa oo loo yaqaano "Prevacid"

● Sanjabiilku waa xanuun baab'iye sida dhegayaraha oo kale, wuxuuna ku fiican yahay xanuunada ay neerfaha keenaan.

● Sanjabiilku wuxuu kaloo siyaadiyaa awooda hormoonka insulin-ka waxaana lagula taliyaa dadka qabo sokorowga nooca 2-aad, in ay badsadaan sanjabiilka si shaqada hormoonka naaquska ah u siyaado.l

Sanjabiilku waa geed siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, qaab cabitaan, qaab cayriin, qaab saliid, qaab shaah, qaab budo iyo qaabab kalaba, intaba waxaa la ogaaday in watarkiisu uusan isbadalin.

faafi oo gaarsii asxaabtaada fadlan
Barashada Caafimaadka

Somalidoc

SHARE SHARE SHARE

04/12/2021

Nabi Maxamed ﷺ , ﷺ ﷺ Nabiga ﷺ Wuxu Ahaa Mid ku Dheeraada Aamusnaanta
Aadne u Qosol Yar, Wuxu Ahaa Mid Aan Ka Tegin
Salaatu_leylka, Marku Xanunsadana Fadhi Ayuu Ku Tukan jirey,
Nabiga ﷺ Hadey Ka Hor Yimaadaan Ama Uu Ag Marayo
Wuu Salaami Jirey Caruurta, Wuxuna Ahaa Dadka Kan Ugu
Naxarista Badan Xaga Caruurta,
Nabiga ﷺ Wuxu Ahaa Qof Gerweyn Leh Haybad Weynna U
Saxiib Ah, Wuxu Ku Dadali Jirey Sonka Khamiista iyo Isniinta,
Nabiga ﷺ Wuxuu Ahaa Mid Aan Seexan inuu Cadaygiisa
Madaxiisa Agtiisa Dhigta Ma Ahane, Marku So Tooso Wuu
Cadayan Jirey, Wuxu Ahaa Mid Allah Xussa Xilli Kasto Kamida
Xilliyadiisa,
Nabiga ﷺ Wuxuu Aad U Necbaa Beenta, Hadii loo Keeno
Hadiyada Wuu Aqbali Jirey Kadibne Wuu Abaal marin Jirey,
Nabiga ﷺ Anaguna Aan Ku Dayano Nabigeena Salla llaahu Caleyhi wasallam. ﺻﻠﻰ ﺃﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ

Walaal Hadad Qormadan Aad Aragto Ku Sali Nabiga Scw Siina Faafi Jazaakumullahi Kheyraa...

ha,ilaawin wanaaga

Address

Gachie

Telephone

+254716056572

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed noor ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share