19/03/2012
Hawiye waa beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolada dhexe iyo koofurta Soomaaliya, waxaana ay aad u degan yihiin dhulka Soomaalidu degto ee ku yaal Itoobiya ee loo yaqaaniyo sidoo kale dhulka Soomaaliyeed ee ku yaal waqooyiga dalka Kiinya. Qabaa'ilka Hawiyaha waxay guud ahaan dhulka koofurta Soomaaliya, ka degaan lagasoo bilaabo gobolka Mudug, Galguduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe,banaadir, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.Sida dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed, Hawiyaha waxay ku abtirsadaan Irir Samaale. Wax qoraal ee cad oo ku saabsan Hawiye ee ugu horaysay inta la hayo waxaa laga helay qoraaladii qarnigii 13aad ee uu qoray juqraafiistahii Carbeed ee Ibn Siciid oo ku tilmaamay magaalada Marka inay tahay 'magaala-madaxda dalka Hawiye'. Intaas kahor, qarnigii 12aad kaartada uu qoray Al-Idriisi ayaa iyaduna laga yaabaa inay soo qaade Hawiye, marki uu ugu yeeray magaalada Merka degaanka 'Hadiye', taas oo uu taariiqyahanka Herbert S. Lewis qabo in ay tahay qalad ka timid guuriyaha qoraalka oo qalday hingaada 'Hawiye'. Taas waxaa la qabo taariiqyahano kale oo ay ka mid yihiin Guilliani, Schleicher, iyo Cerulli. Iyagoo sheegay 65% tirada dadka soomaaliya inay yihiin Hawiye[1]
Hadii loo gudo wadamada deriska ah ee xadka naga xiga, beelaha Hawiye waxay ka degaan magaalooyinka sidi Mandheera iyo Wajeer ee ku yaal waqooyiga Kenya oo ka sokeeya una dhow webbiga Weyyib iyo webbiga Dawwa. Dhinaca kale waxaa beelaha Hawiye ku suganyihiin gobolka Liibeen iyo magaalooyinka Iimay iyo Qalaafe ilaa iyo beledki taariikhiga ah ee Harar. [2] Waxaa la sheegaa in beesha Dir iyo beesha Hawiye ay wada dhasheen ayagoo ka soo wada jeeda Irir Samaale. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Soomaalida ay galaan Nabi Muuse C.S taasoo la yiraa in barigii h**e la qarin jirey maxaa yeeley cadaawadii ay carabta ka qaadeen kadib markii uu Nabi Muuse ka taqalusey fircoon waxuu u soo guurey dhulkaan hadda loo yaqaan Suudaan kadib sidii ay soo guurayeen oo ay u raadineyeen dhul nimco leh waxaa ay soo degeen soomaaliya.
Magaca Soomaaliya waa (samaale ) Aabihii dhalay labada wiil ee farda fuulka ahaa ee (diir) iyo (hawiye) waxaad la ga ogaan karaa in uu nabi muuse dhalay hawiye' iyo dir luqadooda sida ay u qori jireeen laakiin waxaa is weydiin leh waxa ma qori jireen ? haaaaaaaaaa wey qori jireen weyna akhrin jireen xarfahaasna waxaa kamid ah oo sadeyn u ah waxa keliya ee aan is badalin ee nabi muuse markuu dhalay ilaa iyo hada ay is ticmaalaan labadan beelwaa calaamadaha ay ku asteeyaan xoolaha ku waas maaha calaamad ee xuruuf. Waxaa kale oo xusid mudan in ay Dadkii h**e qaar wax ka sheegaan sida uu u ekaa Nabi Muuse waxay kuu tilmaamayaan siday u egyihiin Soomaalida. Beesha Dagoodi ama degodia waa beel degto koonfurta soomaaliya iyo dhulalka ee soomaalida degto ee woqooyiga kenya.Beeshaan waxuu u sii kala baxaa jufooyin, meelaha ee kala degaan waxaa ka mid ah